Våren 2009 Läxläsning Lördagar kl 13-16 Körkortsteori Lördagar kl 16.15-17.45 Muffinsklubben,Lördagar kl 17-20 barn och ungdomar. Danskickoff 14/2. En lördageftermiddag då vi provar olika danser. Line dance, bugg och foxtrott. Finns intresse startar vi grupper efter dagen. Anmälan till hakanwester@bredband.net
Waxa uu gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirahman Cabdillahi
Cirro oo uu weheliyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Ali Farah ay
shaley oo bishu tahay 16 feb. ay kula kulmeen Golaha Baarlamaanka
Swidhan Birgitta Ohlsson oo ah xildhibaan ku jira Barlamaanka Swedhan
ahna Afhayeenka Arrimaha Debedda ee Xisbiga Liberaalka ee Swidhan.
Waxa kale oo shirkas joogey Jenny Sonnesson oo ah Xoghaya Guud ee
Ururka Haweenka ee Xisbiga Liberaalka Swidhan. Waxa kale oo munasabadaa
joogey Eidarus Sh Adan oo ah Wakiilka Somaliland ee Swidhan , Dr
Ibrahim Ali Kirix iyo Cumar Xaaji Bile Aden.
Waxa uu Gudoomiyaha Golaha Wakilladu iyo Gudoomiyaha UCID ka warameen
xaalada Somaliland ay ku sugan tahay iyo arrimaha diwaan gelinta iyo is
diyaarinta doorashada soo socota.
Wufdigu waxaa ay ka codsadeen in ay Dawlada Swidhan iyo barlaamkuba ay
gacan ka geysato doorashada isla markaasna u soo diraan goob joogayaal
doorashada.
Birgitta Ohlsson waxa ay wefdiga ku war galisey in ay diyaar u yihiin
in ay ka geyb qaatan doorashada isla markaasna ay ku faraxsan yihiin
sida ay diiwaangelintu u dhacday, kana xun yihiin falka argagixisada
lagula kacay shacbiga Somaliland oo ku caan baxay nabada iyo
dimuqraadiyada. Waxa ay Birgitta Ohlsson ka codsatay gudoomiyayaasha in
si dhakhso ah loo cayimo maalinta ay doorashadu dhacayso, si dadka ka
qeyb gelaya doorashada ee ka imanaya debedda ay isku diyaar gareeyaan.
Kulankaasi waxa uu dhamaaday is afgarad,
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo sameeyay Dugsiga barashada Culuunta Caafimaadka Xoolaha ee Sheikh Technical Veterinary School , kaasoo laga dhisay Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo iyo Wefti ka socday Hay’adda Tero Nova iyo Wadamo Afrikaan ah ayaa maanta Magaaladda Sheekh u tagay Furitaanka Dugsi cusub oo dhismihiisa Europian Union-ku ka hirgeliyay Sheekh, isla markaana lagu baran doono noocyada Caafimaadka Xoolaha oo isugu jira Hordo, Cunto, Fasalo iyo qaybo fara badan oo kale, kaasoo ah mid Dugsi Goboleed ay u siman yihiin Wadamada Afrika, hase ahaatee ay suuragal noqotay in Somaliland laga dhiso, ayaa munaasibad balaadhan oo furitaanka Dugsigan loo sameeyay oo ay ka qayb-galeen Masuuliyiin ka kala socday Xukuumadda Somaliland Eu-da, Hay’adda Tera Nova iyo wadamada ka tirsan Afrika.
Ugu horeyn Maayarka Degmada Sheekh ayaa Weftiyadan kala duwan ku soo dhaweeyay Degmadiisa, isla markaana waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in Degmadii uu Maamulkeeda hayay maanta laga furayo Dugsi Caafimaadka Xoolaha lagu baranayo oo heer caalami ah. Sidoo kale, waxa isaguna Weftigan ku soo dhaweeyay Sheekh Badhasaabka Gobolka Saaxil.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahin Cabdi oo baratakool ahaan Wasiirka ugu firfircoon ee uu Dugsigani khuseeyo ama Wasaaraddiisa hoos yimaaddo, ayaa munaasibadaa hadal uu ka jeediyay ugu mahad-naqay Wadamadii gacanta ka gaystay Maaliyadda iyo hirgelinta Dugsan Culuunta Caafimaadka Xoolaha. “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa Dawladda Talyaaniga oo kharaskha ugu badan ee Iskuulkan ku baxay bixiyay, dawladda Dhanish-ka, Europian Union, Hay’adda Tera Nova iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay hirgelinta Iskuulkan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.
Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu Iskuulkani soo maray, sheegayna in caqabado badan oo laga soo horjeedaa ka horyimaadeen, balse maanta uu yahay mid lagu guulaystay in dalka laga hirgeliyo, isaga oo ah heer Caalami oo la aqoonsan yahay, isla markaana yahay Iskuul ay dadka Afrikaanka ahi u siman yihiin. Waxaanu intaa ku daray Wasiir Idiris oo uu sheegay in Iskuulkan oo aan dhisme lahayn ay ka qalin jabiyeen laba Dufcadood Caafimaadka Xoolaha, kuwaasoo ka kala yimi wadamada Afrika. Mr. Idiris Ibraahin Cabdi, waxa uu ku dooday in tirada Ardayda Somaliland ee ka qalinjabisay Iskuulkan, ay dhamaantood ka wada shaqaalaysiiyeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Somaliland, kuwaasoo uu ku tilmaamay dad aqoon ahaan si fiican u dhisan.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Mr. Henry Wmwayi oo ah ku xigeenka u qaybsanaha Afrika u qaabilsan Hay’adda Tera Nova, waxaanu si qoto dheer uga waramay ujeedadii loo aasaasay Iskuulkan Caafimaadka Xoolaha, oo uu sheegay in la doonayo in uu noqdo Xarun Caafimaadka Xoolaha lagu barta oo Geeska Afrika oo dhan ka dhaxaysa, hase ahaatee ay Somaliland nasiib u yeelatay in laga dhiso Iskuulkan.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isagu Xadhiga ka jaray Dugsigan ayaa u rejeeyay in Iskuulkani noqdo mid Mustaqbalka Jaamac isu beda, isla markaana Ummadda Geeska oo dhami ku soo hirato. Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadal dheer Munaasibadii furitaanka Iskuulka ka jeediyay, ayaa waxa uu sheegay in Iskuulkani intii aan la hirgelin dhismihiisa uu lahaa cadaw badan oo ka soo horjeeda in Somaliland laga dhiso, hase ahaatee, aakhirataankii ay Somaliland ku guulaysatay in dalkeeda laga dhiso. Waxaanu si weyn ugu mahad-naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay suurtagalnimada Iskuulkan Culuunta Xannaanada Xoolaha.
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu u soo jeediyay dadka reer Sheekh in ay Dhulka ku xeeran halka Iskuulka Sheikh Technical Veterinary School ka dhisan yahay ay u illaaliyaan agagaarka u dhaw, si uu mustaqbalka u noqdo Jaamac weyn oo heli karta Dhul ku xeeran oo dhismayaal laga dhiso. “Waa inaad dhulkan Shacabka ee ku xeeran Iskuulkan aad illaalisaan, si goordhaw Jaamac looga dhigi karo oo dhul dhismayaal laga hirgeliyo loo heli karo, Dabcan dhulka waa la degayaa, laakiin waa inaad Shacabka Sheekh ka illaalisaan in la dhisto.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee Iskuulkani ka kooban yahay oo ah Iskuul aad u casri ah, xaga Tignoolajiyada, Caharada, Laabka iyo qaybaha kale ee uu ka kooban yahay. Kuwaasoo qayb kasta Masuulka qaabilsani Madaxweyne Ku-xigeenka sharaxaad ka siinayay waaxda uu Iskuulka u qaabilsan yahay.
Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaalle Kaahin ayaa Maanta barqadii Xadhiga Kajaray Maxjarka xanaanada iyo
daryeelka Xoolaha dibada loo dhoofiyo oo dhismihiisu Muddo laba sanadood ah ka socday duleedka Magaalda Berbera ee xarunta Gobolka Sool.
Munaasibad loo sameeyay furitaanka Maxjarkan oo ay goob joog ka ahaayeen Ganacsadaha reer Sucuudi ee Saciid Sulaymaan Al-jaabiri oo isagu maalgeliyay
dhismahan, waxa kale oo ka qayb galay wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, Xildhibaano, Aqoon yahano iyo marti sharaf kala duwan.
Sidoo kale waxa Xaflada lagu casuumay Muwaadiniinta reer Somaliland ee iyagu Qurbaha ku nool oo wakhtigan badankoodu dalka ku sugan.
Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayalle Kaahin ayaa markuu xadhiga ka jaray maxjarka ka dib waxa uu kormeer indho indhayn ah ku soo maray guud ahaan Dhismayaasha
uu ka kooban yahay Maxjarkani isaga oo si gaar ah ugu kuur galay qolka Shaybaadhka Xoolaha oo isagu ah mid si casri ah loo sameeyay, yaallaana qalab tayadiisu sarayso oo la
jaanqaaday shaybaadhada caalamiga ah ee ku yaala wadamada horumaray. isagoo Madaxweynuhu halkaa uga duceeyay in Maxjarkani noqdo mid loo aayo, kaas oo wax weyn ka taraya
rabitaanka ay caalamku ku danaynayaan in ay iibsadaan xoolaheena marka ay arkaan baadhitaanka aynu marinay.
Source
Komishank iyo Seddexda Xisbi oo ku Dhawaaqay wakhtiga uu Hawl galayo Server-ku.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay Weheliyaan Wakiillada Seddexda Xisbi Qaran ayaa Maanta ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u hawl gelinayaan Server-ka kala Saaraya dadkii ka qayb galay diiwaangelintii Codbixiyaasha doorashooyinka ee qaatay kaadhadhka Codbixinta iyo jinsiyada hal mar wax ka badan.
Kulan ballaadhan oo ay Komishanku maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa isla markaana ay goob joog ka ahaayeen Masuuliyiinta sarsare ee Seddexda Xisbi Qaran waxay ay ku bayaamiyeen in maalinta Berri ah uu si rasmi ah u haw galayo Qalabkan oo muddaba ay ku hawlanaayeen, taasoo ay Go'aanka u danbeeyay komishanku ka sugayeen in xisbiyadu ay siiyaan Kalsoonida kama dambaysta ah ee inay kala reebaan dadka sida sharci darada ah u qaatay kaadhadhka in ka badan halka mar ee loogu talo galay.a
Heshiis cad oo ay saxaafadda horteeda ku saxeexeen Xog-hayaha guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac YAasin Faarax, Cismaan Cabdilaahi cigaal (Cismaan-Hindi), Gudoomiyaha Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay weheliyaan Labdiisa ku xigeen, waxa kale oo heshiiska saxeexay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID iyo Masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi.
Heshiiska ay sida rasmiga ah u wada saxeexdeen seddexda Xisbi iyo Komishanku waxa ay soo afjaraysaa hadal hayntii ay beryahanba dadka qaar kaga dayrinayeen in Mugdi soo gali karo xaqiijinta Muwaadinimada.
Kolka la dhamays tiro hubinta diiwaangeliyaasha ee Serverku hawl galo aya sida komishanka u qorshaysan uu si rasmi ahu gudo geli doonaa Hawlaha doorashada.
Agaasimaha Waaxda Tababarada Ee Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Mr. Faysal Ismaciil Cabdi oo mudo 7 maalmood ah u joogay G/sool hawl shaqo taas oo ahayd ujeedadeedu inuu wax ka ogaado waxqabdka machadka Tababarka caafimaadka G/sool oo ka mid ah Mac-hadyada ku yaala Dhamaan Gobalada Somaliland, kana sharciyaysan Wasaarada caafimaadka somaliland.
islamarkaana ay ku jiraan arday gaadhaya ilaa 59 araday oo loo tababarayo qaybaha kala duwan ee caafimaadka ha ugu badnaato dhinaca Nursing-ka ama Kaaliyaha sare, machadka oo ay ka hawlgalaan Macalimiin waayo aragnimo u leh dhigista Duruusta caafimaadka ayaa suuro geliyay inuu maanta heerkan soo gaadho, sidaa waxaa tidhi Aamina Xassan Xuseen oo ah maamulaha Machka oo ka hadlaysay daruufah uu soo maray dugsigani.
hadaba Waxaa maalmihii tagay ardaydu ka qaybqaadatay Maalmihii Caafimaadka Gobolka sool oo ku soo dhamaaday rajo wanaagsan oo ay la yimaadeen ardayda machadku